Thursday, July 3, 2014

Cumdatul Axkaam

Cumar Bin Khadaab(rc):- wuxuu yidhi Waxaan maqlay Rasuulka(scw) oo leh:- " Acmaal oo dhani Niyaday kasoo fushaa, riwaaya kale ayaa ahaatay, qofkastaba Wuxuu niyoodo Ayuu helayaa, Qofkii U hijrooda Alle(swc) & Rasuulka(scw) dartiis Hijridiisaasi waxay u ahaanaysaa Alle(swc) & Rasuulkiisa(scw), Qofkii uhijrooda Aduunyo inuu sookasbado ama inuu gabadh sooguursado hijradiisaasi waxay ahaanaysaa wixii uu uhijrooday "
CUMDATUL AXKAAM KUTAABU DAHAARA XADIIS NO.1
 Xadiiskan Sharaxiisa Ayaa Ah :- Qofkii Ilaahay & Rasuulkiisa dartiis u dhaqaaqa Ajirkiisa & xasanaad badan buu helayaa sida:- qofkii Alle Dartiis uga baxa magaalo Macaasi kasoto Oo diintiisa Uugu nabad heliwaayo Oo utaga Magaalo kale oo diintiisa & Naftiisaba Uga Nabad helo waxaan odhan karnaa waa hijro Alle Dartiis ah oo uu xasanaadkeeda Alle kasiin doono.
laakiin qofkii uhijrooda aduunyo Ama gabadh inuu soo guursado hijradiisaasi Waaxaa uu uhijrooday ayuum bay ahaanaysaa.
 wixii khalad ee aan galanay Alle(swc) ayaan dhambi dhaaf kawaydiinsanaynaa.
Intii aan saxnayna Alle ayaan Uuga mahadinaynaa

No comments:

Post a Comment