Friday, July 4, 2014
XADIISKA LABAAD ARBACIIN
Cumar(rc) ayaa mar wuxuu yidhi:-
Wakhti aanu ag fadhinay rasuulka(scw) ayaa waxaa nooyimid ninuu daran yahay cadaanka dharkiisu, oo uu daran yahay Madowga timihiisa, lagamana garto qofsafar ah, oo mid naga mid ahina magarano,ilaa uu ag fadhiistay rasuulka(scw) oo uu kutiiriyey Lawyihiisa Lawyaha rasuulka, oo uu saaray BAABACOOWYINKIISA Bawdada Rasuulka, wuxuu yidhi Muxammadow IIGA WARAN ISLAAMKA?
wuxuu yidhi rasuulku"ISLAAMKU WAA INAAD QIRTO INAANU ILLAAH XAQLAGU CAABUDAA AANU JIRIN ILAA ALLEMOOYEE MUXAMMADNA UU RASUULKII ALLE YAHAY, SALAADAOOD OOGTO, SAKADA OOD BIXISO, BISHA RAMADAAN OOD SOONTO, HAJJKA OOD TAGTO HADDII AAD WADO UHESHO (micnihiilacag aad kutagi karto & waliba tii ay reerku sii isticmaalilahaayeen haddaad haysato) wuxuu yidhi RUNBAAD SHEEGTAY cumar wuxuu yidhi waanu layaabnay wuu waydiinaayaa wuuna urumaynaayaa waxa kale oo uu waydiiyey ,
IIGA WARAN EEMAANKA waxaa uu rasuulku(scw) yidhi "EEMAANKU WAA INAAD RUMAYSO ALLE, MALAA'IGTIISA, KUTUBTIISA, RUSUSHIISA, MAALITA QIYAAMADA (waa maalinta la'isxisaabinaayo) IYO QADARTA KHAYRKEEDA & SHARKEEDABA (micnihii wax fiican hadii uukula soo gudboonaado Alle kumahadi, waxkaanixiya haddii uu kula soo gudboonaadona Xaga Alle ucarar)" wuxuu yidhi rumbaad sheegtay,
wuxuuu yidhi iiga waran IXSAANKA wuxuu yidhi rasuulku)scw(:- "IXSAANKU WAA ALLE OOD UCAABUDO SIDII ADOO ARKAAYA OO KALE HADDII AANAD ARKAYNA ISAGA AYAA KU ARKAAYA"
wuxuu yidhi IIGA WARAN SAACADA(qiyaamada)? Wuxuu yidhi "KANI WAX LAWAYDIINAAYAA KAMA OGA KAN WAYDIINAAYA"
wuxuu yidhi CALAAMADEHEEDA IIGA WARAN?
wuxuu yidhi"WAA INAY ADOONTU SAYGEEDII WAA INAAD ARAGTO KUWII CAGAAGNAA, EE QAAQAAWANAA EE CAYDHA AHAA ADHIGA RAACAAYEY OO KUTARTAMAAYA DHISMAHA"
damadeed wuu naga tagey waanu nagaanay waxoogaa Markaasuu Rasuulku yidhi Cumaroow miyaad garanaysaa kii isu'aalaayey? wuxuu yidhi Alle & Rasuulkiisaa garanaayaa Markaasuu yidhi Rasuulku waa JIBRIIL wuxuu idiinku yimid inuu idin baro diinkiina.
Allaha Xaqa Inagaran Siiyo Dhamaanteen Sharegaree Walaal si ay dad badan ugaadho adna ajir uhesho
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment